Maryam
Habeen kulul oo ka mid ah habeenada Doha, Maryam waxay ka baxaysay maqaaxi yar oo ay ka shaqayn jirtay. waxa kamuuqday Daalbadan … laakiin qalbigeeda hal shay ayaa ka buuxay: rajo. Subax kasta 4:30 ayay kicijirtay. Ma ahayn qof hodan ah. Waxay lahayd hal qol yar iyo hal qof oo ay dunida ku lahayd—habaryarteed Casha. “Maryamay,” ayay mar walba ku oran jirtay, “ha eeggin halka aad joogto… eeg halka aad gaadhi karto.” Maryam way aamusi jirtay, laakiin erayadaas maskaxdeeda way kusoo noqnoqoni jireen .
☕ Maqaaxida Yar

Maalin kasta, Maryam waxay nadiifin jirtay miisaska maqaaxida ay kashaqayn jirtay .
inkastoo shaqadu ay ku adkeed hadana himilada iyo rajada qalbigeeda kabuuxa ayaa shaqada ufudaydin jiray.
Jeebkeeda waxay ku sidanjirtay buug yar.
Markasta oo fikrad cusubi ku soo dhacdo, way qori jirtay.
“Maalin uun…” ayay si tartiib ah u oran jirtay
“…dadkani waxay saf u geli doonaan hotelkayga.

Habeen mugdi ah, iyadoo guriga ku socota, ayay aragtay gaari qaali ah oo istaagay.
Haweeney si qurux badan u labisan ayaa ag taagnayd—walwal ka muuqdo.
Maryam way istaagtay.
“Ma ku caawin karaa?” ayay si xishood leh u weydiisay.
Haweeneydii way yaabtay. Dad badan ayaa ka gudbay… laakiin gabadhan yar ayaa istaagtay.
Maryam waxay wacday qof ay taqaanay, waxayna la joogtay ilaa gaariga la hagaajiyay.
Markii wax walba hagaageen, haweeneydii waxay si tartiib ah u tiri:
“Magacaaga?”
“Maryam.”
Waxay siisay kaadh yar.
“Berri halkaas igu kalay.”

Maalintii xigtay, Maryam waxay tagtay meeshii ay kutidhi iigu kalay wuxu ahaa dhismo aad uwayn . wadnaheedu si degdeg ah ayuu u qaraacmayay. “ tani ma runbaa?” ayay is waydiisay. markii ay gudaha ugashay ayaa si diiran loosoo dhaweeyay waxana lasiiyay shaqo wanagsan lacag fiicana way qadan jirtay nolosheedii way isbadashay.
🔥 Dhismaha Riyada
Laba sano ka dib… Maryam ma ahayn qofkii hore. Waxay fahantay ganacsiga iyo mamulka . Waxay fahantay dadka. Waxay fahantay qiimaha fursadda. Waxay qortay qorshe. “Ma rabo inan dadka ushaqeeyo ,” ayay ku tiri mentor-keeda “Waxaan rabaa in aan meel aan leeyahay furto.”

hotelkeedii ugu horreysay ayay furatay Magaciisu wuxuu ahaa: The Nomad’s Dream Dhadhan Soomaaliyeed + naqshad casri ah. Bil gudaheed… dadkii waxay bilaabeen inay ka hadlaanhotelka … safaf ayaa la galay Dadkii ay hore ugu shaqayn jirtay… hadda waxay ku sugan yihiin hotelkeeda

Sanado ka dib, Maryam waxay heshay:
Guryo
Gawaarida riyooyinkeeda
Ganacsi guulaystay
Laakiin maalinta ugu muhiimsan…
waxay ahayd maalintii ay habaryarteed Casha dhoola-caddeysay iyadoo caafimaad qabta.
“Waas guulaysatay,” ayay tiri
“ma aha markii aad lacag heshay…
laakiin markii aad go’aansatay inaadan quusan.”
Maryam way aamustay.
Indhaheeda ilmadu way ka timid…
laakiin markan waxay ahayd farxad